Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Dib oga soo kabashada Niyad jabka: Tilmaamaha Daryeelka

Recovering From Depression: Care Instructions

Tilmaamahaaga Daryeelka

../images/4e8e9c46ec84d74fa0d9e87a0ff37591.jpg

Si fiican isku daryeelida waxay muhiim u yahay sida dib oga soo kabashada niyad jabka. Muddo kadib, calaamadahaaga ayaa soo bixi doona marka daaweyntu istaagto. Ha quusan. Intaas badelkeeda, diirada saar awoodaada caafimaad qabka.

Dareenkaaga ayaa horumar sameyn doona. Kaliya waxay qaadanaysaa muddo. Diirada saar waxyaabaha kaa caawin kara inaad caafimaad dareento, sida inaad saaxiibo iyo qoys la joogto, si fiican wax u cunto, iyo inaad hesho nasasho kugu filan. Laakiin u samee waxyaabaha si degan. Isla markiiba waxyaabo badan ha sameyn. Waxaad si aayar-aayar ah u dareemi doontaa caafimaad.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Sideed iskugu daryeeli kartaa gurigaaga?

Noqo qof xaqiiiqda wajaha

  • Haddii aad hayso shaqo wayn oo ay tahay inaad sameyso, ukala jajabi qaybo yaryar oo aad qaban karto, oo kaliya samee waxa aad sameyn karto.

  • Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaadib u dhigto go'aamada muhiimka ah ilaa niyad-jabkaagu hoos u dhacaayo. Haddii aad qabto qorshayaal saameyn wayn ku yeelanaya noloshaada, sida guurka, furiinka, ama isbadelka shaqada, isku day inaad xoogaa sugto. Kala hadal saaxiibadaa iyo dadka aad jeceshahay kuwaas oo kaa caawin kara inaad eegto sawirka guud marka hore.

  • La xariira dadka si aad u hesho caawimaad waa muhiim. Ha is karantiilin. U oggoloow in qoyskaaga iyo saaxiibadaa ku caawiyaan. Raadi qof aad aamini karto oo aad ku kalsoon tahay, oo la hadal qofkaas.

  • Dulqaado, oo isdaryeel. Xasuusnoow in niyad jabku aanu ahayn khaladkaaga oo aanu ahayn wax aad kaga adkaan karto rabitaan keli ah. Daaweyntu waxay muhiim u tahay niyad jabka, sida cudurada kale. Dareemida caafimaad waxay qaadataa waqti, dareenkaagu ayaa kor u kacaya hadba in yar.

Samee firfircooni.

  • Noqo mashquul oo banaanka u bax. Soco, ama iskuday inaad sameyso jimicsi kale oo khafiif ah.

  • Kala hadal dhakhtarkaaga arrimaha ku saabsan barnaamijka jimicsiga. Jimicsigu wuxuu gacan ka geysan karaa niyadjabka khafiifka ah.

  • Aad filimka ama xalfad. Ka qaybqaado hawlaha kaniisada ama xalfadaha kale ee bulshada. Aad ciyaarta kubada.

  • Ka codso saaxiib inuu kala soo casheeyo.

Isdaryeel

  • Cun cuntooyin caafimaad qaba oo la cun khudaar iyo khudrado badan, cuntada baalka leh, iyo borotiinka fudud. Haddii aad lumisay oomateedka, cun cuntooyin fudud halkii aad ka cuni lahayd cuntooyinka waawayn.

  • Iska ilaali isticmaalida daawooyinka sharci darada ah ama marijuana iyo cabida khamriga. Ha cunin daawooyin aan dhakhtar kuusoo qorin. Waxaa laga yaabaa inay saameeyaan daawooyinka aad u qaadanayso niyad-jabka, ama waxay ka sii dari karaan niyad-jabkaaga.

  • U qaado daawada sida saxda ah ee laguugu soo qoray. Waxaa laga yaabaa inaad billoowdo inaad dareento caafimaad 1 ilaa 3 toddobaad gudahood markaad qaadatay daawada niyad-jabka. Laakiin waxay qaadan kartaa ugu badnaan 6 illaa 8 toddobaad si loo arko horumar ka sii badan. Haddii aad qabto su'aalo ama walaacyo ku saabsan daawooyinkaaga, ama haddii aadan wax horumar ah ku arag 3 asbuuc, la hadal dhakhtarkaaga.

  • Sii wad qaadashada daawadaada kadib marka calaamadahaagu soo roonaadaan. Qaadashada daawadaada ugu yaraan 6 billood kadib marka aad dareento caafimaad waxay kaa caawin kartaa inaad mar kale niyad jab aadan dareemin. Haddii aysan markaan ahayn markii ugu horreysay ee aad niyad jab dareento, dhakhtarkaagu waxa laga yaabaa inuu kugula taliyo inaad daawo qaadato xitaa waqti dheer.

  • Haddii aad wax waxyeelo caafimaad ah ka qaado daawada, u sheeg dhakhtarkaaga. In badan oo kamid ah waxyeelada caafimaad waa kuwo khafiif ah wayna iska baaba'aan kadib marka aad qaadato daawo muddo asbuucyo ah. Qaar ayaa sii jiri kara muddo dheer. La hadal dhakhtarkaaga haddii waxyeelada caafimaadka ay si saa'id ah kuu dhibayaan. Waxaa laga yaabaa inaad iskudaydo daawooyin kaladuwan.

  • Sii wad la-talinta. Waxay kaa caawin kartaa inaad kahortagto niyad jabka, gaar ahaan haddii aad horey dhowr jeer niyad jab kuugu soo dhacay. Kala hadal la-taliyahaaga haddii aad ku dhibtooneyso inaad xaadirto kulanadaada ama haddii aad isleedahay kulanadu ma shaqeynayaan. Kaliya ha joojin inaad aado.

  • Hel hurdo kugu filan. Kala hadal dhakhtarkaaga haddii aad dhibaato ku qabto hurdada.

  • Iska ilaali kaniiniyada hurdada ilaa inuu kusoo qoray maahee dhakhtar si loogu daaweeyo niyad jabka. Kaniiniyada hurdada waxaa laga yaabaa inay kugu soo kacaan maalintii, waxaana laga yaabaa inay saameeyeen daawooyinka kale ee aad qaadanayso.

  • Haddii aad qabtid xanuuno kale, sida cudurka sonkorta, cudurada wadnaha, ama dhiig karka, hubi inaad sii wadato daaweyntaada. U sheeg dhakhtarkaaga dhammaan daawooyinka aad qaadato, oo ay ku jiraan kuwa laguu soo qoray ama kuwa aan laguu soo qorin.

Meesha laga helo caawimaada 24 ta saacadood maalintii, 7 maalmood ee asbuuca

Haddii adiga ama qof aad taqaan uu ka hadlo isdilid, waxyeelo isku geysashada, dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, waxyeelada isticmaalka daroogada, ama wax kale oo la xariira dhibaatooyinka dareenka, isla markiiba raadso caawimaad. Waxaad:

  • Wici kartaa Laynka Khalalaasaha iyo Isdilka oo aad ka wici karto 988.

  • Wici kartaa 1-800-273-TALK (1-800-273-8255).

  • Fariin qoraal ah ood ku qortay HOME u diri kartaa 741741 si aad u hesho Laynka Qoraalka Khalalaasaha.

Iskuday inaad lambaradaan ku seyf gareysato taleefoonkaaga.

Booqo 988lifeline.org si aad u hesho macluumaad dheeraad ah ama oonleenka kala sheekeyso.

Goorma ayaad caawimaad u wacan kartaa?

Wac 911 wakhti kasta oo aad u malayso inaad ubaahantahay daryeel degdeg ah. Tusaale ahaan, soo wac haddii:

  • Aad dareento inaad wax isku geysato ama aad qof kale wax u geysato.

  • Qof aad taqaan qabo niyad jab uuna doonaayo ama isku dayaayo inuu sameeyo isdil.

Meesha laga helo caawimaada 24 ta saacadood maalintii, 7 maalmood ee asbuuca

Haddii adiga ama qof aad taqaan uu ka hadlo isdilid, waxyeelo isku geysashada, dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, waxyeelada isticmaalka daroogada, ama wax kale oo la xariira dhibaatooyinka dareenka, isla markiiba raadso caawimaad. Waxaad:

  • Wici kartaa Laynka Khalalaasaha iyo Isdilka oo aad ka wici karto 988.

  • Wici kartaa 1-800-273-TALK (1-800-273-8255).

  • Fariin qoraal ah ood ku qortay HOME u diri kartaa 741741 si aad u hesho Laynka Qoraalka Khalalaasaha.

Iskuday inaad lambaradaan ku seyf gareysato taleefoonkaaga.

Booqo 988lifeline.org si aad u hesho macluumaad dheeraad ah ama oonleenka kala sheekeyso.

Wac dhakhtarkaaga hadda ama raadso daryeel caafimaad oo degdeg ah haddii:

  • Aad codad maqashid.

  • Qof aad taqaan qabo niyad jab uuna:

    • Bilaabo inuu bixiyo hantida.

    • Isticmaalo daroogo mamnuuca ama si xoog ah u cabbo alkolo.

    • Ka hadlo ama qoro waxyaabo ku saabsan dhimashada, oo ay kujiraan qorista qoraalada isdilka ama ka hadlida qoryaha, mindiyaha, ama kaniiniyada.

    • Bilaabo inuu waqti badan keligiis qaato.

    • U dhaqmo si dirirsan ama si dhaqso ah ugu muuqdo si deggan.

Fiiro dhow u yeelo isbeddalka caafimaadkaaga, oo xaqiiji inaad dhakhtarkaaga la xiriirto haddii:

  • Aadan u soo roonaanin sidii la filayay.

Hadda laga bilaabo: Bisha Lixaad 24, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
Disclaimer