Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Murgucashada Jilibka: Tilmaamaha Daryeelka.

Knee Sprain: Care Instructions

Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.

../images/d3bd5ee37b620114ca5de59ac89afb5b.jpg

Murgucashada jilibka waxaa kamida kala jiitan, waxyar jeexid ama carjawda jilibka oo kala go'day. Carjawdu waa iwax sida xarig oo kale isugu dhegan taaso u dhexeyso ka lafood si jilibku isugu dheeli tirnaado. Jilibku wuxuu leeyahay afar carjow oo muhiim ah.

Kala baxa jilibku badanaa waxaa keena dhaawac jilibkoo qaloocsamay ama la maroojiyey oo ka imaada cayaaraha sida skiing, kubada kolayga, kubada cagta, ama kubada cagta ee maraykanka laga cayaaro. Julibka oo dhinac aada marka lugta inteeda korena ay dhinaca kale aado. Murgacashadu waxay kaloo dhici kartaa marka jilibka dhinac ama hore looga dhoco.

Hadii carjawda waxyar kal jiidantahy, guriga ayaa lagu daryeli karaa. Lagayaabee inaad u baahan tahay splint ama brace (immobilizer) seeda qaarkeed jeexantay. Haduu kala goay wuxuu u baahanyahay qaliin. Mugucasho fududi waxay u baahnaan kartaa 6 usbuuc inay buskooto, tan aadka ahna waxay qaadan kartaa bilooyin.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.

  • La soco tilmaamayaasha ku saabsan inta culeys aad lugtaada saari kartid iyo sidaa ugu socon kartid ulaha lagu socdo.

  • Barkin u dhig lugtaada markaa baraf saaraysid, ama mar walboo aad fariisatid ama jiifatid 3 maalmood ee soo socda. Isku day inaad ku hayso wadnaha korkiisa. Tani waxay caawinaysaa in bararku is dhimo.

  • Saar jilibkaaga baraf ama shiska barafka 10 ilaa 20 daqiiqo markiiba. Iskuday inaad sidaan samaysid 1 iilaa 2 saac 3da beri ee soo socda (markaad soo jeedid) ama ilaa uu bararku ka dhoco. U dhaxaysii maro khafiif ha barafka iyo jirkaaga. Ha qooynin splint.

  • Hadaa qabtid faashad, hubi inay sifiican u xirantahay laakiin aanay aad ugu dheganays oo lugta dareenku ka tago, ku xanxantoonayso faashada hoosteedu bararto. Faashada waa iska dabcin kartaa haday aad kuugu dhegantahay.

  • Dhakhtarka ayaa kugula talin kara. U xiro sida laguu tilmaamay.

  • Dhakhtarkaaga waydii inaad qaadan karto daawooyinka xanuun baabi'yaha caadiga loo gato sida acetaminophen (Tylenol), ibuprofen (Advil, Motrin), ama naproxen (Aleve). Ka taxadar daawooyinka. Akhri oo raac dhammaan tilmaamaha ku qoran warqadda ku dhegan daawada.

Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?

Waco 911. Wakhti walba oo aad is leedahay waxaad u baahan tahay daryeel dagdag ah. Tusaale ahaan, soo wac haddii:

  • Si kadis ahaa xabadka lagaaga qabtay neeftuna way ku dhibaysaa, ama dhiig ayaad quxacday.

Dhakhtarkaaga wac hada. Ama raadso gargaar caafimaad oo degdeg ah haddii:

  • Uu xanuunku kugu batay ama aad laguu hayo.

  • Aadan dhaqaajin karin faraha lugaha ama canqawga.

  • Lugtu ku qabowda ama cadaato ama midabkeedu is bedelo.

  • Aad ka xanxantoonaysid, tabaryareyso, ama dareenku ku yaraado cagtaaada ama lugtaada.

  • Waxyaabaha kabniinka oo cariiri kugu ah.

  • Hadaadan jilibka kala bixin karin ama uu isku dhego.

  • Waxaa kugu yaala calaamadaha dhiig xinjir ku noqday lugtaada, sida:

    • Xanuun kubka, jilibka dhabarkiisa, bowdada ama saraxa.

    • Gaduud ama barar lugtaada:

Fiiro dhow u yeelo isbadalka caafimaadkaaga, hubsana inaad dhakhtarkaaga la xiriirto hadii:

  • Xanuunkaagu masoo yaraanayo ama wuu sii xumaanayaa.

Hadda laga bilaabo: Bisha Todobaad 17, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
Disclaimer