Dhagaxa Kelyaha: Tilmaamaha Daryeelka.
Kidney Stone: Care Instructions
Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.

Dhagxaanta kalida waxay samaysmaan markii cusbo, macdanta iyo waxyaabo kale oo caadi ahaan kaadida
laga helo ay isku dhegaan. Waxay u yaraan karaan sida xabad ciid ah ama, marmar dhifa waxay u
waynaan karaan sida banooniga golf-ta.
Markuu dhaguxu ku safrayo jidka kaadida, taasoo ah tuubo kalyaha kasoo qaada kaadida geysana
kaadihaysta, xanuun ayaa dareemaysaa siday u badantahay. Xanuunku wuxuu noqon karaa mid fudud ama
aad u daran. Dhiig ayaana soo raaci kara kaadida. Markuu horey dhaguxu ka gaaro kaadihaysta,
xanuunka saaidka ahi waa inuu iska boxo.
Haduu dhagaxu aad uga weynyahay inuu kaligi raaco kaadida, waxaa u baahan kartaa hab daawo oo kaa
kaalmaynaysa sidii dhaguxu usoo bixi lahaa.
Dhakhtarku si taxadar leh ayuu u eegay, laakiin dhib ayaa gadaal ka imaan kara. Hadii aad dareentay
wax dhibaatooyin ah ama calaamado cusub. Daawweyn degdeg ah raadso..
Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso
in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad
dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo
inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.
-
Cab cabitaan badan, oo kugu filan sidaas awgeed kaadidaada waxay noqonaysaa jaalle khafiif ah
ama mid saafi u ah sida biyo oo kale. Haddii aad qabto cudurka kalyaha, wadnaha, ama beerka
lagaana rabbo in aad xadido cabitaanka, waa in aad kala hadashaa dhakhtarkaaga kahor inta aadan
kordhinin cadadka cabitaanka aad cabtid.
-
Uqaado daawada xanuunka baabi'sa dhab ahaan sidii laguu soo faray. Wac dakhtarkaaga hadii aad
moodayso inaad dhib kala kulantay daawadaada.
-
Hadii dhakhtarkaagu ku soo siiyay daawada xanuunka baabi'sa u qaado sida uu ku soo
faray.
-
Hadii aadan qaadanayn daawada xanuunka baabi'sa, waydii dhakhtarkaaga inaad qaadan karto
mida farmashiyaha laga soo iibsado. Akhri oo raac dhammaan tilmaamaha ku qoran warqadda
ku dhegan daawada.
-
Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi karaa inaad miirtid kaadidaada si aad heshid dhagaxa kelyaha
markuu soo maro. Waxaa isticmaali kartaa miiraha jikada kan dhaaha lagu miiro si aad u qabatid
dhagaxa. Bac geli kuna hay intaad kala kulmaysid dhakhtarka.
Ka hortaga dhagaxa kalida ee mustaqbalka.
Isbedel sidaa wax u cuntid ayaa kaalmayn kara inaad ka hortagtid dhagaxa kalida. Ayadoo ku xiran waxa
keenay dhagaxyadaada, dhakhtarkaagu wuxuu kugula talin karaa:
-
Cab cabitaan badan, oo kugu filan sidaas awgeed kaadidaada waxay noqonaysaa jaalle khafiif ah
ama mid saafi u ah sida biyo oo kale. Haddii aad qabto cudurka kalyaha, wadnaha, ama beerka
lagaana rabbo in aad xadido cabitaanka, waa in aad kala hadashaa dhakhtarkaaga kahor inta aadan
kordhinin cadadka cabitaanka aad cabtid.
-
Yaree kafeegga, shaaha iyo khamriga. Iskana ilaali liimo balbeemada.
-
Ha qaadan in ka badan fiitamiinada C iyo D inta lagula taliyey ka badan.
-
Iska ilaali antiaasidhka, sida Gaviscon, Maalox, Mylanta, ama Tums.
-
Yaree inta cusbo ku jirta (sodium) cuntadaada.
-
Cun cunto isu dheelitiran oo aanay protien-ku aad ugu badnayn.
-
Yaree cuntada ay ku badantahay aalada la dhoho oxalate, taasoo keenta dhagaxa kalyaha.
Cuntooyinkan waxaa kamida khudaarka cagaaran oo madowga xigta, rhubarb, jukulaato, qamadiga
budaduusa, cranberries, iyo digir.
Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?
Dhakhtarkaaga wac hada. Ama raadso gargaar caafimaad oo degdeg ah haddii:
-
Ma hayn karid dareeraha.
-
Xanuunkaadoo sii batay.
-
Waxaa ku haya qandhoama qarqaryo.
-
Dhabarka, waxyar fafiska feeraha ayaa hoosteeda ayaa xanuun cusubi kaa qabtay ama mid kaa hayey
baa sii xumaaday.
-
Kaadida ayaa dhiig cusub soo raacay ama kii horaa sii btay.
Fiiro dhow u yeelo isbadalka caafimaadkaaga, hubsana inaad dhakhtarkaaga la xiriirto hadii:
Hadda laga bilaabo: Bisha Kow iyo Tobnaad 15, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.