Go'aansashada Udhaxaysa Uur-dilka Dawada ah iyo Qalliinka: Tilmaamaha Daryeelka.
Deciding Between Pill Abortion and In-Clinic Abortion: Care Instructions
Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.
Ma sahlan go'aansiga iska soo ridka uurka. Waxaad u baahan doontaa xoogaa waqti aad kaga fekirto
ikhtiyaaradaada. Waaxad u baahan kartaa inaad kala hadasho qof sokeeye ah ama lataliye.
Waxaa jira laba nooc oo uur-dil ah. Mid waxa la yiraa uur-dil dawo. Ka kale waa uur-dil qalliin ah.
Nooca ugu fiican waxay ku xiran tahay inta todoobaad ee uurkaagu jiray.
Ka uur-dilka dawada, waxaad qaadan dawo aad ku khaarajiso uurka. Waxaad samayn kartaa kan sida
ugu dhakhso badan ee aad ku ogaato inaad uur leedahay. Dawooyinkan waxay badanaa leeyihiin dhiigbax
weyn oo qabatin xooggan 3 illaa 5 saac socda. Waxaad u baahan kartaa dawo xanuunka bi'isa. 3 illaa 5
saac kadiib, qabatinada iyo dhiigbaxa ayaa badanaa yaraada. Markaas qiyaastii 1 illa 2 toddobaad,
waxay u badan tahay inaad u dhiigto sida marka aad caadada leedahay.
Kaddib qaadashada dawada, hubi inaad dhakhtarkaaga aragto 1 illa 3 toddobaad gudahood. Wuxu kaa eegi
inuu uur-dilkii dhammaystirmay. Dhakhtarku waxa kale oo uu hubin in aanad yeelan infekshan. Xaaldo
dhawr ah, dawadu ma shaqayso. Haddii taasi dhacdo, waxaad u baahan doontaa uur-dil qalliin ah.
Ka ah uur-dilka qalliinka, dhakhtar ayaa minka kala ballaadhin oo gelin tuunbo
ilmo-galeenkaaga. Tuunbadada waxay isticmaashaa nuugis ay ku soo saarto waxa ku jira ilmo-galeenka
Habkan wuxu qaataa wax kayar saacad. Habkan habkan, waxaad qaadan dawo ku dejisa. Kaddib, waxa laga
yaabaa inaad yeelato qabatinno iyo dhiig-bax yar. Laakiin badanaa ma qaataan wax ka badan dhawr
maalmood. Waxa jira halis yar oo infekshan ama dhaawac gaara minka iyo ilmo-galeenka.
Kala hadal dhakhtarka ikhtiyaaradaada. Gobolada qaar waxa jira xeerar laxiriira uur-dilka. Waxa ka
mid ah muddo sugitaan ah. Waxa kale oo ka mid ah helista oggolaansho waalidiin hablaha kayar da'da
18.
Daryeelka-lasocoshada waa qayb muhiim ka ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad
sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib
qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo
inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Waa maxay sababta aad u dooran karto uur-dil dawo ah?
-
Waxaad ku jirtaa toddobaadyadii ugu horreeyay uurka.
-
Waxaad rabtaa inaad iska ilaaliso hab qalliin ah.
-
Waxaad doorbidday qaadasho dawo oo dabeed qabatinoo iyo dhiig-bax ku joogsado si qunyar ah.
-
Waxaad door-bidday inaad guriga joogto oo aan ahayn xafiis dhakhtar.
Waa maxay sababta aad dooran karto uur-dil dawo ah?
-
Waxaad doorbidday hab hore u disho uurka.
-
Waxaad rabtaa hab caafimaad iyo dhakhtar ku ag jooga.
-
Waxaad rabtaa dawo ku dabcisa.
-
Waxaad rabtaa inaad hubto in uur-dilku si sax ah u dhammaystirmo.
-
Kuma noolid meel u dhaw meel lagu bixiyo dawada uur-dilka.
Hadda laga bilaabo: Bisha Kow iyo Tobnaad 27, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.