Fibromilagiya: Tilmaamaha Daryeelka
Fibromyalgia: Care Instructions
Tilmaamaha Daryeelkaaga
Fibromyalgia waa xaalad xanuun badan taas oo aan si dhammeytiran u fahman dadka ku takhasusay
caafimaadka. Waxa sababi kara fibromyalgia lama garanayo. Waxay kaa dhigi kartaa in aad ka dareentid
daal iyo xanuun dhammaan jirka ah. Waxay sababtaa baro danqanaya oo ka soo baxa meelaha qaar ee
jirka taas oo xanuunta kelliya marka aad riixdid. Waxaa laga yaabaa in aad isku aragtid dhib hurdo
la'aan ah, sidoo kale calaamado kale. Dhibaatooyinkani waxay qasi karaan shaqadaada iyo noolashaaada
guriga.
Calaamadaha weyna soo muuqdaan weyna baxaan, inkastoo aysan waligood si dhammeystiran ugu baxeynin.
Fibromyalgia dhaawac uma geysanaayo muruqyadaada, kalagoysyadaada, ama xubnahaaga.
Daryeelka-lasocoshada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso
in aad sameysato oo aad tagto ballamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddii aad
qabto dhibaatooyin. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu
sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Sideed isugu daryeeli kartaa kartaa shakhsi ahaantaada gurigaaga?
-
Sida badan jimicsi samee. Soco, dabaasho, ama baaskiil wad si ay kaaga caawiyaan xanuunka iyo
dhibaatooyinka hurdada iyo in ay ku dareensiiyaan fiicnaan.
-
Isku day in aad heshid hurdo habeen oo wanaagsan. Aad sariirta kana soo toos maalin kasta isla
hal waqti, haddii aad nasasho dareentid iyo haddii kaleba. Hubso in aad haysatid firaash iyo
barkin fiican.
-
Yarree walbahaarka. Iska ilaali waxyaabaha kuu keeni kara walbahaar, haddii aad aboodid. Haddii
kale, ka shaqee in aad ka dhigtid walbahaar yar. Baro in aad isticmaashid habka lagula socda
dhaqdhaqaaqa maskaxda, ereyo hadal la suureyo oo la hago, khilaawo, ama habab kale oo lagu
nasto.
-
Samee is beddelo caafimaad qab leh. Cun cunto isku dheelitiran, iska jooji sigaar cabbida,
waxaadna xaddidaysaa aalkolada iyo kafiinka.
-
Isticmaal faashad kululeyso oo lagu xaddiday heer hoose ama dhexgal baaf qubays oo diirran ama u
qaado qubays xanuunka. Isticmaalka xirmo qabow ah ilaa iyo 20 daqiiqadood hal waqti waxay sidoo
kale kaa yarreysaa xanuuunka. Dhig dhar khafiif ah inta u dhaxeyso xirmada barafka iyo
maqaarkaaga. Duugid dabacsan waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay ku caawiso.
-
Nabadqab ku ahaw dawadaada. U qaado daawooyinkaaga sida saxda ah ee laguugu soo qoray. Wac
dhakhtarkaaga haddii aad u maleyso in aad dhib ku qabto daawadaada. Dhakhtarkaagu waxa dhici
karta inuu kaala hadlo qaadashada daawooyinka la-dagaalanka walbahaarka. Daawooyinkani waxa
dhici karta inay horumariyaan seexashada, baabiinta xanuunka, iyo inay xaaladaha qaar daaweeyaan
walbahaarka
-
Baro wax ku saabsan fibromyalgia. Tani waxay ka dhigaysaa la qabsadhada mid fudud. Kadibna, ka
qaado door waxqabad leh daaweyntaada.
-
Ku fakar in aad kula biirtid koox taageero kuwa kale ee qaba fibromyalgia si aad wax badan u
baratid iyo in aad taageero ka heshid.
Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?
Si taxadir leh ula soco isbeddelada kudhaca caafimaadkaaga, iskana hubso in aad laxiriirto
dhakhtarkaaga haddii:
-
Aad dareento murugo, micin la'aan, ama rajo-beel; aad nacdo waxyaalaha aad jeclaan jirtay; ama
leedahay astaamo kale oo walbahaar.
-
Fibromyalgia-kaaga calaamadihiisa ay ka sii darayaan.
Hadda laga bilaabo: Bisha Todobaad 17, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.