Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Wax ka barashada Tilmaamaha Cuntooyinka Caafimaadka leh

Learning About Dietary Guidelines

Waa maxay Tilmaamaha Cuntooyinka caafimaadka leh ee loogu talagalay Dadka Maraykanka?

../images/87ed48933243b7aced8759196f1772ba.jpg

Tilmaamaha Cuntooyinka caafimaadka leh ee loogu talagalay Dadka Maraykanka waxay bixiyaan tallooyin ku saabsan sida loo cuno cunto caafimaad leh loona joogteeyo caafimaadka. Tilmaamahaan waxay kaa caawinayaan inaad hoos u dhigto cudurada muddada dheer (dabadheeraadka ah).

Tilmaamahaan waxay soojeediyanayaan inaad:

  • Cunto aadna cunto cadadka saxda ah ee kugu habboon. Hagaha cuntada dawlada Maraykanka waxaa loo yaqaan MyPlate. Wuxuu kaa caawin kartaa inaad sameysato qorshe cunto oo si fiican iskugu dheelitiran.

  • Iskuday inaad cuntooyinka aad cuneyso ku dheelitirto hawsha aad qabato. Arrintaan waxay kaa caawinaysaa inaad joogteyso miisaan caafimaad leh.

  • Si dhexdhexaad ah u cab aalkoholada, haddii gebi ahaanba aad cabbaysid.

  • Yaree cunista cuntooyinka ay ku badan tahay cusbada, dufanka aan caafimaadka lahayn, dufanka halista ah, iyo cuntooyinka lagu daray sonkorta.

Tilmaahaan waxaa soo saaray Waaxda Beerah Mareykanka iyo Waaxda Adeegyada iyo Caafimaadka Dadwaynaha Mareykanka. Waxaa la cusbooneysiiyaa 5 tii sanoba mar.

Waa maxay MyPlate?

MyPlate waa hagaha cuntooyinka dawlada Mareykanka. Wuxuu kaa caawin kartaa inaad sameysato qorshe cunto oo si fiican iskugu dheelitiran. Qorshe caafimaad oo si fiican iskugu dheelitiran waxaa loola jeedaa inaad cunto cunno kugu filan, laakiin aadan cunin cunto badan, iyo in cuntooyinka aad cuneyso ay ku siiyaan nafaqooyinka aad u baahan tahay si aad u joogteyso caafimaadkaaga.

MyPlate wuxuu awooda saaraa cunista cuntooyinka baalka leh, khudaarta miraha ah, iyo khudrada, iyo yareynta cunista dufanka iyo sonkorta. Waxaa laga helaaa oonleen marka la booqdo www.ChooseMyPlate.gov.

Sidee u bilaabi kartaa?

Haddii aad isku dayayso inaad cunto cunno caafimaad leh, waxaad si tallaabo-tallaabo ah u joojin kartaa habdhaqanka cuntada aad cunto intii muddo ah. Ma ahan inaad sameyso isbadello waawayn hal waqti. Ku billoow inaad cuntooyinka aad cunto ku darto hal ama labo cunto oo caafimaad leh maalin walba.

Cuntada baalka leh

Dooro rootiga laga sameeyo cuntada baalka leh iyo sareenka iyo baastada laga sameeyo dareenka iyo buskutka laga sameeyo cuntada baalka leh.

Khudaarta

Cun khudaar kaladuwan maalin kasta. Khudaartu waxay leedahay nafaqooyin aad u badan waana qayb kamid ah cuntooyinka caafimaadka leh.

Khudaarta miraha ah

Cun khudaarta miraha ah oo kaladuwan maalin kasta. Mirihu waxay leeyihiin nafaqooyin aad u badan. Dooro miro fireesh ah halkii aad ka cabi lahayd cabitaanka miraha.

Cuntooyinka borotiinka leh

Dooro inaad cunto kaluun oo cun hilib cadaha in badan. Hilibka gaduudan iyo hilibyada la shiilay ha badsan. Digirta qalalan, tofu, iyo lawska ayaa ah sidoo kale cuntooyinka uu borotiinku ku badan yahay.

Waxyaabaha caanaha ka sameysan

Cuntooyinka noocaan ah ka cun kuwa uu dufanku ku yar yahay ama gabi ahaanba aan lahayn dufanka. Haddii aad dhibaato ku qabto dheefshiidida caanaha, iskuday inaad cunto jiis ama yooqad si aad ugu badesho booska caanaha.

Dufanka iyo saliida

Yaree cunista dufanka iyo saliida haddii aad dooneyso inaad yareyso kalostaroolka jirka. Marka aad cunto karineyso ku kari dufanka caafimaadka leh. Dufanka caafimaadka leh waxaa kamid ah saliida canola iyo saliid seytuunka.

Hadda laga bilaabo: Bisha Sagaalaad 20, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2026 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
Disclaimer