Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Cudurada Faafa: Tilmaamaha Daryeelka.

Viral Infections: Care Instructions

Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.

Ma dareemaysid fiyoobi waxa sababayana kuuma cada. Laga yaabee inaa qabtid cudur faafa. Faayrasyadu waxay sababaan xanuuno badan, sida hargabka caadiga ah, ifilo, xumad, sharuuraca jirka, shuban, labalabo, iyo matag, oo inta badan loogu yeero "hargabka caloosha." Laga yaabee inaad is leedahay antibiyootiga ayaa ku caafin kara. Laakiin antibiyootigu kaliya wuxuu daaweeyaa infakshanka jeermisku sababo. Ma daawayso faayraska.

Akhbaarta fiicani waa infakshinka caynkaas ahi inta badan khatar maaha. Badanaa wuu iska tagaa maalmo yar gudahood iyadoo la daawayn. Isla markaas, waxaad samayn kartaa dhowr wax ood naftaadu ku nafisi karto.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.

  • Naso in badan hadaad daal dareemayso.

  • Qaado daawada xanuunka baabi'isa ee farmashiga laga-soo-iibsado, sida xanuun baabi'iyaha (Tylenol), ibuprofen (Advil, Motrin), ama naproxen (Aleve). Akhri oo raac dhammaan tilmaamaha ku qoran warqadda ku dhegan daawada.

  • Kataxadar marka aad qaadanayso daawooyinka farmashiga laga-soo-gato ee hargabka ama ifilada iyo xanuun baabi'iyaha Tylenol isku waqti. Daawooyinkaan badankooda waxay leeyihiin xanuun baabi'iye, midkaas oo ah Tylenol. Akhri tilmaamaha kuqoran si aad u hubsato in aadan qaadanaynin wax ka badan qiyaasta laguugula taliyay. Wax badan oo aad ka qaadato daawada xanuunka baabi'isa ee (Tylenol) waxay noqon kartaa mid halis keeni karta.

  • Cab cabitaan badan, oo kugu filan sidaas awgeed kaadidaada waxay noqonaysaa jaalle khafiif ah ama mid saafi u ah sida biyo oo kale. Haddii aad qabto cudurka kalyaha, wadnaha, ama beerka lagaana rabbo in aad xadido cabitaanka, waa in aad kala hadashaa dhakhtarkaaga kahor inta aadan kordhinin cadadka cabitaanka aad cabtid.

  • Ha aadin shaqo, iskuul, iyo meelha dadku isugu yimaado inta qandhadu ku hayso.

Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?

Waco 911. Wakhti walba oo aad is leedahay waxaad u baahan tahay daryeel dagdag ah. Tusaale ahaan, soo wac haddii:

  • Aad qabto dhibaato neefsasho aad u daran.

  • Aad suuxday (miyir-beeshay).

Dhakhtarkaaga wac hada. Ama raadso gargaar caafimaad oo degdeg ah haddii:

  • Waxaad u muuqataa in aad sii xanuunsanayso.

  • Aad qabtid qandho cusub ama mid daran.

  • Ay saxaradaadu dhiig leedahay.

  • Xanuun cusub ku hayo ama xanuunkaagu uu ka sii daro.

  • Aad qabto finan yaryar oo cusub.

Fiiro dhow u yeelo isbadalka caafimaadkaaga, hubsana inaad dhakhtarkaaga la xiriirto hadii:

  • Aad bilaawdid in aad wanaagsanaatid kadibna aad ka sii dartid.

  • Uma aadan soo ladnaan sidii la filayay.

Hadda laga bilaabo: Bisha Lixaad 12, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
Disclaimer