Health Encyclopedia
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Marka aad Dooneyso inaad Yareyso Miisaanka: Tilmaamaha Daryeelka

When You Want to Lose Weight: Care Instructions

Haddii aad dooneyso inaad yareyso miisaanka, cunista cunto caafimaad leh iyo inaad firfircoonaato ayaa ku caawin kara. Badelida qaabka aad u fikirto iyo helida taagero ayaa sidoo kale ku caawin kara. Waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad la shaqeyso dhakhtarkaaga si aad u sameyso qorshaha dhimista miisaanka oo adiga kugu habboon.

../images/ea4b3cc4527fadc4b5c3bbe698ee161d.jpg

Bilow isbadalo yaryar oo la xariira cuntadaada iyo xaga jimicsigaagaba. Hagaaji caadooyinkaaga cuntada adiga oo samaynaya isbeddel hal mar. Oo iskuday inaad ugu yaraan sameyso nashaado muddo dhan 30 daqiiqo inta badan maalmaha asbuuca.

../images/da70b5278766ca382c9619b588fe279d.jpg

Qaabka aad u fikirto ayaa lug weyn ku leh sidaad dareemayso iyo waxaad samaynayso. Markaad isku dayeyso inaad yareyso miisaanka, badelka sida aad uga fikirto waxyaabaha qaarkood ayaa ku caawin kara.

../images/e836af740e1261fd8bc08563ffe9415c.jpg

Sida loo horurmariyo habdhaqankaaga wax cunista

  • Cun cuntooyin kaladuwan, oo ay kujiraan khudaarta, khudradaha, cuntada baalka leh, iyo borotiin.

  • Iska yaree cabitaanada sonkorta leh, oo hoos u dhig cuntooyinka dufanka badan leh, cusbada, iyo sonkorta.

  • Sii diyaarso cuntadaada waqti hore.

../images/0b0d80b62d5c9343b731ef5f36aa483f.jpg

Qaababka jirkaaga looga shaqeysiiyo

  • La lugee saaxiibadaa, ama la lugee eeygaaga.

  • Jar cawska, nadiifi caleemaha kuso daata guriga, ama qabo hawlaha laga qabto beerta.

  • Iskuday inaad xiisad jimicsi ah ka qaadato oonleenka ama xaruun bulsho.

../images/b2bad25c99326133581518ac5c7a344e.jpg

Qaababka loo badelo qaabka aad u fikirto

  • Iskuday inaadan isla barbardhigin dadka kale.

  • Fiiro u lahow dareenkaaga gaajada iyo dheregta.

  • Diirada saar sidaad u wanaajin lahayd caafimaadkaaga halkii aad iska caateyn lahayd.

../images/5d8a04a6795d28c97a20f7948a04b8c3.jpg

Halka laga helo taageerada

  • Waydii dhakhtarkaaga xirfadlayaasha kale ee caafimaadka ee ku caawin kara, sida la-taliye ama dhakhtar cunto.

  • Raadi koox taageero ku siiya.

  • Saaxiibadaa ama qoyskaaga ka codso caawimaad.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Hadda laga bilaabo: Bisha Shanaad 13, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2026 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
Disclaimer