Galmo amaan ah: Tilmaamaha Daryeelka.
Safer Sex: Care Instructions
Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.
Galmo amaan ah waa habka loo yareeyo jaaniska uu kuugu dhoco infekshin galmada laga qaado. Waxay
kaloo kaa kaalmaynaysaa inaad iska ilaaliso uurka. Cudurada galmada laga qaado badankooda oo loo
yaqaan sexually transmitted infections ama STIs waa la daweyn karaa. Laakiin qarkood waxay yareyn
karaan jaaniskaaga inaad uur qaado hadaan hore laga daaweyn. Qaar kae sida herpes daawo ma lahan.
Qaarna, sida HIV waa loo dhintaa.
Waxyaabo badan ayaa kaa kaalmayn kara inaad samayso galmo amaan ah, yareeyana jaaniska STI. Mid kuwa
ugu fiican kamida waa cinjira (condom). Waxaa jira cinjiro raga iyo kuwo dumarka. Cinjirka dumarku
waa tuubo ka samaysan bac jilicsan oo dhinac ka xiran dhinacaasoo siilka si qoto dheer loo galiyo.
Waxaa isticmaali kartaa rabar gaar ah (dental dam) si aad isu difaacdo iinta galmada ama leefida
afka socoto. Cacmo gashi Latex ka samaysan ayaa gacmahaaga ka ilaalin kara dhiig, shahwo ama
qoyaanada kale ee jirka kuwaasoo infekshin wadan kara.
Xasuusnow waxa loo isticmaalo ka hortaga uurka sida diafraamka, IUD-yada, xumbada iyo kiniiniyada
kahortaga ilmaha kaama celin karaan inay kugu dhacdo STI.
Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso
in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad
dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo
inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.
-
Ku feker in lagu talaalo si aanay kuugu dhicin cagaarshowga A iyo cagaarshowga B. Labadaan cudur
waxaa la isaga qaadaa galmada. Waxaa kaloo kugu dhici kara cagaarshow A hadaa cuntid cunto uu la
socdo.
-
Isticmaal cinjir mar walba iyo goor walba oo aad galmo samaynaysid.
-
Baro sida saxda ah oo loo isticmaalo cinjirka raga:
-
Cinjirku wuxuu ku imaadaa qiyaasyo kala duwan. Hubi inaa isticmaashid mid qiyaastiisu ku
le'egtahay. Cinjir aad u yari wuu jeexmi karaa. Cinjir aad u weyn wuu kaa bixi karaa
intay galmadu socoto. Isticmaal cinjir cusub mar walba oo aad galmo samaynaysid.
-
Ka taxadar inaanay dalooshamin markaad ka furaysid bacda ku xiran.
-
Cadaadi afka hore ee cinjirka si hawadu uga baxdo.
-
Hoos uga riix buuryada madaxa guska aan gudnayn.
-
Adigoo riixaya afka cinjirka, hoos ugu kala bixi ilaa guska salkiisa guskoo kacsan.
-
Marna ha isticmaalin petrolium jelly (sida Vasseline), garaaso, looshinka gacanta,
saliida caruurta, ama wax saliid leh. Waxyaabahaan cinjirka ayey daloolin karaan.
-
Galmada kadib, cinjirka guska ku qabo markaa lamaanahaaga guska kasoo bixinaysid. Tani
waxay keenaysaa inay shahwadu ka daadan cinjirka.
-
Baro sida loo isticmaalo jinjirka dumarka:
-
Cinjirka dumarka waxaa gashan kartaa 8 saac kahor galmada.
-
Isku qabo faraantiga yar ee dhinaca xiran, galina siilka si dheer. Faraantiga weyn ee
furan waa inuu banaanka siilka joogo.
-
Galmadu intay socoto, hubi inuu gusku dhex galo cinjirka.
-
Kadib marka guska lasoo saaro, xir afka furan ee cinjirka adigoo maroojinaya. k.
Cinjirka soo saar.
-
Isku mar wa wada isticmaalin cinjirka dumarka iyo kan raga.
-
Galmo ha la samayn qof qaba calaamadaha STI, sida xanuun xubinta taranka ama afka. Fayruska
herps oo keena xanuunka qabowga wuxuu ku faafi karaa uuna ku samaysmi karaa guska iyo siilka.
-
Allkolo badan ha cabin hana isticmaalin daroogo galmada kahor. Tani waxay keeni kartaa inaad
difaacaagu meesha ka boxo oo aadan saman galmo amaan ah.
-
Haysashada hal lamaane (kaasoo aan qabin STIs) dad kalana aan la galmoon) waa sida hubaasha ah
oo la isaga ilaaliyo STIs.
-
La hadal lamaanaaga intaydnaan isu galmoon. Baar inuu ama inay qabto ama ay khatar ugu jirto
STI. Maskaxda ku hay in qofku gudbin karo STI xataa hadii uusan ama aysan calaamadihii lahayn.
Adiga iyo lamaanahaagu waxaa laga yaabaa inaad rabtaan inaad iska baartaan HIV. Waa in hadana 6
bilood kadib is baartaan.
Hadda laga bilaabo: Bisha Kow iyo Tobnaad 27, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.