Bogaha Jirke ee Seborrheic Keratosis: Tilmaamaha Daryeelka.

Seborrheic Keratosis: Care Instructions

Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.

Seborrheic keratoses waa kasoobax jirka una eg qolof ama nabar adag. Caadi ahaan waxay u egyihiin in jirka la galiyey. Waqtiga badankiisa waxay kasoo baxaan dhabarka iyo xabadka, waxayna caan ku yihiin dadka duqoobay. A seborrheic keratosis wuxuu u keen karaa taan ama baroon. A seborrheic keratosis ma aha barta madow (mole), dhibna maleh badanaa mar walba. Laakiin, wali waa talo fiican inaad jirkaaga fiirisid mar walba.

Marmarka qaarkood seborrheic keratosis wuu cuncuni karaa. Xoqidu waxay keentaa inuu dhiig ka imaado mamarna calaamad bay ku reebtaa.

A seborrheic keratosis waxaa la gooyaa markay ku dhibayso oo kaliya. Dhakhtarku aad ayuu u qaboojinayaa ama qalab buu ku xoqayaa. Dhakhtarku wuxuu kaloo isticmaali karaa laysar si uu u gooyo seborrrhric keratosis. Daaweyntu caadi ahaan waxay kasoo saartaa meesha jir caadi u eg, lakin waxay ku reebi kartaa calaamad calaamad khafiif ah ama madow, ama xagtin maqaarka.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.

  • Hadii dharku dhibo seborrheic keratosis-kaaga, ku dabool faashad si aad uga ilaalisid xoqid iyo dhiig inuu ka imaado.baandhaj cover it with a bandage to prevent rubbing and bleeding.

  • Hadii lagaa gooyey seborrheic keratosis, ku nadiifi meesha saabuun iyo biyo laba mar maalintii inuu dhakhtarkaagu kusiiyo tilmaamooyin kale mooyaane. Ha isticmaalin hydrogen peroxide ama khamri, taasoo inaad buskooto yarayn karta.

    • Laga yaabee inaad mariso ama ku daahdo dhaawaca xaydh khafiif ah sida faasaliin, iyo sharooto aan kugu dhagayn.

  • Ka fiiri maqaarka jirkaaga bishii mar meelo soo buurtay, ama isbedelo kale sida midabka ama dareenka maqaarka.

    • Hor istaag miyaarad jirka dheer. Si taxadar ah u fiiri jirkaaga hore iyo kan danbe. Kadibna fiiri midigtaada iyo bidixdaada gacmahaaga oo kor u taagan.

    • Suxulada soo qalooci si taxadar ahna u fiiri gacmahaaga hore, gacamhaaga kore gadaashooda iyo calaacalaaga.

    • Calaacasha lugaha, ciribaha iyo farahaaga lugaha dhexdooda si taxadar ah u fiiri.

    • Isticmaal miyaarada gacanta si aad u fiirisid qaybta danbe ee lugaha, surka danbe, iyo dhabarka, gadaasha (barida) iyo unuga taanka iyo agagaarkiisa. Kala bixi timahaaga si aad u fiiriso meeshay tintu kasoo baxdo.

  • Hadaa aragto wax kasoo baxay jirkaaga, dhakhtarkaaga la xiriir. Raadi:

    • Kasoobax dhiig ka socdo.

    • Kasoobax aad u koraya.

    • Qolof ama jir adag oo maqaarka kasoo baxay.

    • Xanuun aan biskooneyn.

Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?

Dhakhtarkaaga wac hada. Ama raadso gargaar caafimaad oo degdeg ah haddii:

  • Qayb kamida Jirkaaga caadiga ah ayaa qaabka, qiyaasta ama siday u egtahay si kadis ah ku bedelmay.

  • Jirkaaga oo aad o goo'goay xoqitaan badan kadib.

  • Waxaa kaa muuqda calaamado infekshin sida:

    • Xanuun, qandac ama barar maqaarka.

    • Xariiqimo gaduudan oo dhow dhaacac maqaarka ku yaal.

    • Malax kasoo baxaysa nabar jirkaaga kuyaal.

    • Xumad aan wadan hargab iyo xanuun kale.

Fiiro dhow u yeelo isbadalka caafimaadkaaga, hubsana inaad dhakhtarkaaga la xiriirto hadii:

  • Uma aadan soo ladnaan sidii la filayay.

Hadda laga bilaabo: Bisha Kow iyo Tobnaad 16, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.