Iskucabirka culeyska iyo dhererka qofka: Tilmaamaha Daryeelka.

Body Mass Index: Care Instructions

Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.

../images/5712194b8d26673d3f76ac46e96fdd73.jpg

Iskucabirka culeyska iyo dhererka qofka (BMI) wuxuu ku tusi karaa in culeyskaagu uu kor u qaadayo khatarta caafimaad la'aanta. Waxay isticmaashaa formula isku sisaabinaysa culeyskaaga iyo dhererkaaga.

  • BMI ka yar 18.5 waxaa loo arkaa caato.

  • BMI u dhexeeya 18.5 iyo 24.9 waxaa loo arkaa caafimaad qab.

  • BMI u dhexeeya 25 and 29.9 waxaa loo arkaa cayil. BMI 30 ama ka badan waxaa loo arkaa obese ama cayil aad u badan.

Hadii uu BMI-kaagu yahay inta caadiga ah, micnaheedu waa inay yartahay jaaniska cudurada la xiriira cayilka inay kugu dhacaan. Hadii uu BMI-kaagu uu yahay khadka cayilka ama cayilka saaidka ah, waxaa badan jaaniska ay kuugu dhici karaan cudurada la xiriira cayilka, sida dhiig karka, cudurada wadnaha, istotook, artiraytis ama xanuunka lafaha meeshay iska galaan, iyo kaadi sonokowga (diabetes). Hadii uu BMI-kaagu yahay khadka caatada, waxaa badan jaaniska ay kuugu dhici karaan cuduro, sida daal, jirkaaga oo aan cudurada sifiican isaga difaaci karin, murqaha oo tabar beela, lafaha oo ku dab'ca, timaha oo kaa yaraada, iyo dhibaatoyin la xiriira hoormoonka.

BMI waa hal cabiraad oo la xiriirta dhibaatooyinka caafimaad oo la xiriira culeyska. Khatartaada caafimaad la'aantu kor ayey u kici kartaa hadii aadan jimicsan.

Daryeelka-lasocoshada waa qayb muhiim ka ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.

  • Caadayso hab cunto cunid caafimaad leh. Waxaa kamida inaad sifiican u cuntid furuut, khudaar, badar, borootiin khafiif ah iyo caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo oo badan.

  • Hadii dhakhtarkaagu ku faray, samee jimicsi badan. Socodka waa doorasho wanaagsan. In yar in yar, u kordhi cadada socodka aad socoto maalin walba. Isku day ugu yaraan 30 daqiiqo maalmaha badankood asbuucii.

  • Ha cabbin sigaar. Cabitaanka sigaarku wuxuu badinayaa khatarta aad ugu jirtid caafimaad la'aan. Haddii aad u baahantahay kaalmo joojinta ah, kala hadal dhakhtarkaaga wixii ku saabsan barnaamijyada iyo daawooyinka lagu joojiyo-sigaarka. Kuwan waxay kordhinayaan fursadahaaga iska-daynta rasmiga ah.

  • Xadid qamriga 2 cabitaan maalintii oo ragga ah iyo 1 cabitaan oo haweenka ah. Khamriga badani waxay keeni kartaa caafimaad daro.

Hadii uu BMI-kaagu ka badanyahay 25

  • Dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu kaa qaado baaritaano kale uu ku fiirinayo khatarta aad ugu jirto cudurada culeyska la xiriira. Waxaa kamid noqon karta cabiritaanka dhexdaada. Cabirka dhexda oo ka badan 40 inches raga ama 35 inches dumarku waxay kor u qaadaysaa khatarta la xiriirta caafimaad la'aanta la xiriirta culeyska.

  • Kala hadal dhakhtarkaaga talaabooyinka aad qaadi kartid si aad caafimaad ugu joogtid ama kor ugu qaadid caafimaadkaaga. Waxaa iska badali kartaa habnololeedka si aad cayilka isga yareyso caafimaadna aad ugu joogtid, sida adoo badalaya waxaad cuntid ama jimicsi bilaabaya.

Hadii BMI-kaagu uu ka yaryahay 18.5

  • Dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu kaa qaado baaritaano kale uu ku fiirinayo khatarta aad ugu jirto caafimaad la'aan.

  • Kala hadal dhakhtarkaaga talaabooyinka aad qaadi kartid si aad caafimaad ugu joogtid ama kor u qaadid caafimaadkaaga. Waxaa iska badali kartaa habnololeedka si aad isu cayiliso caafimaadna aad ugu joogtid, sida adoo badalaya waxaad cuntid ama jimicsi bilaabaya.

Hadda laga bilaabo: Bisha Shanaad 13, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2025 Healthwise, Incorporated.