Barashada Ku Saabsan Tirinta Kaarboon haydhareetka (Carb) iyo Cunitaanka Marka Aad
Leedahay Sonkorow
Learning About Carbohydrate (Carb) Counting and Eating Out When You Have Diabetes
Maxaad u qorshaynaysaa cuntadaada?

Qorshaynta cunnadu waxay qayb muhiim ah ka noqon kartaa maaraynta cudurka macaanka. Qorsheynta
cuntada iyo cuntooyinka fudud oo leh dheelitirka saxda ah ee kaarboohaydhereet, borotiin, iyo
dufanka ayaa kaa caawin kara inaad ku ilaaliso sonkorta dhiiggaaga heerka bartilmaameed ee aad la
dhigatid dhakhtarkaaga
Uma baahnid inaad cuntid cuntooyin gaar ah. Waad cuni kartaa cuntada reerkaagu cunayo, marka lagu
daro macmacaanka oo marmar dhifa ah. Laakiin waad ku khasban tahay inaad fiiro u yeelato inta jeer
ee aad wax cuntid iyo imisa in le'eg ayaad ka cuntay cuntooyinka qaarkood.
Waxaad ubaahantahay inaad la shaqeysid cunto yaqaanka ama aqoon yahan cilmiga sokorowga. Isaga ama
iyada ayaa ku siin kara talooyin iyo fikrado cunno waxayna ka jawaabi karaan su'aalahaaga ku saabsan
qorshaynta cuntada. Xirfadlahan caafimaad wuxuu kaloo kaa caawin karaa inaad gaarto miisaan
caafimaad leh haddii taasi ay tahay mid ka mid ah yoolalkaaga.
Maxay tahay waxa aad rabtid inaad ka ogaato cunista carbs (carbohydrates).
Maamulka cadada carbohydrate-ka ama (carbs) aad ka cuntaa waa qayb muhiim ah oo kamid ah cuntada
caafimaadka leh mara aad qabtid sonkor. Carbohydrate-ka waxaa laga cuntooyin badan.
-
Baro cuntadee leh carbs. Baro cadada carbs-ka ee ku jira cuntooyinka kala duwan.
-
Riitiga, siiriyaalka, baastada, iyo bariiska waxaa ku jira qiyaastii 15 garaam oo carbs
ah intii hal mar lacuni karaba. Intia hal mar lacuno waa1 jeex oo rooti ah (1 ounce),
koob barkii 1/2 oo siiriyaal ah, ama koob sadex loo qaybiyay 1/3 oo bariis ama baasto la
kariyay ah.
-
Furuutka waxaa ku jira 15 garaam oo carbs ah intii hal mar la cuno. Intii mar la cuno
waa 1 xabo oo yar oo furuut ah, sida apple ama oranji; Jab moos ah; Koob barkii oo
furuutka karsan ah; Koob barkii oo cabitaanka furuutka ah; 1 koob oo qare ama raasberi
ah; Ama 2 qaadada cuntada oo furuutka qalalan ah.
-
Caanaha iyo yoogarta aan sonkorta lahayn waxaa ku jira 15 garaam oo carbs ah intii hal
mar la cuno. Intii mar la cabo oo koob caano ah ama koob sadex loo qaybiyay labo meel
2/3 oo yoogarta aan sonkorta lahayn ah.
-
Qudaarta Starchy-ga ah waxaa ku jira 15 graam oo carbs ah intii hal mar la cuno. Intii
hal mar la cuno waa koob barkii 1/2 oo bataatada la burburiyay ama bataatada macaan. 1
koob oo nooc bocorka kamid ah; Koob barkii 1/2 oo bataatada yaryar oo la dubay. Koob
barkii 1/2 oo digir karsan ah; Ama koob barkii 1/2 galeey ama digirta cagaarka ah.
-
Baro cadada carbs-ka ay tahay inaad cunto maalintii xili walba oo aad wax cunayso. Qolooyinka
cuntada qora ama CDE-da ayaa ku bari kara sida loo diiwaan galiyo cadada carbs-ka aad cuntay.
Waxaa loogu yeeraa xisaabinta carbohydrate-ka.
-
Hadii aadan hubin sida loo xisaabiyo garaamka carbohydrate-ka, isticmaal farsamada qorshaynta
saxanka (Plate Method to plan meals0. Waa wax fiican, waa hab fudud oo aad ku xaqiijinayso inaad
helayso cunto isu dheelitiran. Waxay sidoo kale kaa caawinaysaa inaad carbs-ka u qaybisid
maalinta oo dhan.
-
Ukala qaybi saxankaaga noocyada cuntada. Saxankaaga bar saar qudaarta aan lahayn
starchy, qayb afar meeloodoo meelna saar hilibka iyo cunto barootiin leh, qaybta kale,
afar meeloodoo meelna cuntooyinka sida bariiska baastada iyo kuwa la midka ah. iyo
qudaarta starchy-ga leh. Intaan waxaad ku dari kartaa furuut yar iyo 1 koob oo caano ama
yoogar ah, taasoo ku xiran cadada carbs-ka ay tahay inaad qaadato maalintii.
-
Isku day inaad cunto qiyaastii carbs is le'eg xili cunto oo walba. Ha kaydsan carbs-ka laguu
ogol yahay maalintii si aad u cunto hal mar.
-
Barootiinku wuxuu leeyahay carbs aad u yar ama carbs ma laha intii hal mar la cuno.
Tusaalayaasha barootiinku waa hilibka,digaaga, turkiga, kaluunka,ukunta,toowfuuga, jiiska,
jiiska burbursan, iyo loowska. Intii hal mar la cuno oo hilib ah waa 3 ounces, taasoo la mid ah
tuurka turubka oo ka kooban 52xabo. Tusaalayaal intii hal mar la cuni karo oo ah hilibka wax
lagu badali karo koob afar loo qaybiyay hal meel oo jiiska burbursan ah, 1 ukun ah, 1 qaadada
cuntada oo loowska badharka ah, iyo koob barkii oo toowfuu ah ayaa waxay la mid yihiin (1ounce
oo hilib ah).
Sidee baad banaanka uga soo cuntayn kartaa hadana aad cuntaa raashin
caafimaad leh?
-
Baro sida loo qiyaaso cuntada carbohydrate-ka leh inta le'eg intii hal mar la cuno carbs-ka ku
jira. Hadii aad cabirto cuntada guriga, way kuu fududaanaysaa inaad qiyaasto cadada ku jirta
cuntada makhaayada.
-
Hadii cuntadaad dalbatay ay leedahay carbohydrate badan sida ( bataatada, galeeyda, digirta
duban), waydiiso badalka cunto carbohydrate-ku ku yar yahay. Waydii salar ama qudaarta cagaaran.
-
Hadii aad isticmaasho cirbada sonkorta, cabir sonkortaada kahor iyo kadib markaad wax cunto si
aad uga cabir qaadato mustaqbalka inta aad cuni kartid.
-
Hadii aad cunto carbohydrate badan hal xili oo cunto kadib waa inaad qorshysataa, inaad socoto
ama jimicsi kale samayso. Tani waxay kaa caawinaysaa inay hoos u dhigto sonkorta dhiigaaga.
Maxay yihiin tilmaamaha ku saabsan cunista cunto caafimaadka leh?
-
Xadid dufanka saturated fat-ka ah sida dufanka laga helo hilibka iyo caanaha iyo waxyaabaha laga
sameeyo. Kani waa doorasho caafimaadka u fiican sababtoo ah dadka sonkorta qaba waxay halis u
yihii cudurada wadnaha. Sidaas darteed dooro hilbha aan baruurta lahayn iyo caanaha iyo
waxyaabaha laga sameeyo oo aan dufan lahayn ama dufan yar. Isticmaal saliida oliifka ama kanola
badalka aad isticmaali lahayd battarka iyo shortening markaad cuntada karinayso.
-
Haka boodin cuntooyin. Laga yaabee in sonkortaadu hoos u dhacdo hadii aad ka boodo xili cunto oo
aad qaadato cirbada ama daawada sonkorta qaarkood.
-
Latasho dhakhtarkaaga intaadan qamri cabin kahor. Qamrigu wuxuu sababi karaa in dhiigaagu aad
hoos ugu dhaco. Qamrigu sidoo kale wuxuu sababi karaa inuu la fal galohadii aad qaadato
daawooyinka sonkorta qaarkood.
Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso
in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad
dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo
inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.
Hadda laga bilaabo: Bisha Sagaalaad 20, 2023
Nooca Tusmadda: 14.0
Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka
caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo
heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama
masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.