Go'aan ku gaadhida Dhalashada Siilka Ka dib Qaaliinka Ilmaha lagaga soo saaro uurka

Deciding About Vaginal Birth After Cesarean

Sideed go'aan kaga gaadhi kartaa waxa ku saabsan dhalmada siilka ka db qaliinka ilmaha laga soo saaro uurka (VBAC)?

Tilmaamahaaga Daryeelka

Sanado ka hor, haddii qaliinka ilmaha lagu soo saaro, dhammaan carruurta mustaqbalka waa inay qaabkan u dhalataa. Maanta, haween badan oo uurka ilmaha lagu qalay waxay isku deyi karaan inay ka dhallaan siilka ilmaha cusub. Tan waxaa loogu yeedha dhalashada siilka ka dib qaliinka uurka, ama VBAC (dheh "VEE-dib").

VBAC suuragal uma aha haweenka qaarkood. Waxaa jiri kara walaacyo ku saabsan caafimaakooda iyo caafimaadka ilmaha. Waydii dhakhtarkaaga ama ummulisada haddii ay isku daydo foosha inay adiga kugu habboon tahay. Weli waxaad u baahan kartaa qaliinka lagu soo saarayo ilmaha xataa haddii aad foolato.

La socodka daryeelku inuu yahay qayb daawayntaada ah iyo badbaadada. Hubso inaad samayso oo tagto dhammaan ballamaha, oo wac dhakhtarkaaga haddii aad dhibaato qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican in la ogaado natiijooyinka baadhitaanka oo lahaysto liis dawooyin ah oo aad qaadato.

Sababteed u qaadanaysaa VBAC?

  • Waxaad doonaysaa inaad la kullanto dhalmada siilka.

  • Nabarka jeexdinta makaankaaga waa nooca oggolaanaya VBAC badbaadada.

  • Waxaad dareentay faa'iidooyinka dhalmada siilku ay ka badan tahay khatarta nabarka dilaa ee ku yaala makaankaaga oo dilaaca muddada foosha. Haddii dilaaca nabarui dilaaco, waxay u noqon kartaa khatar aad ah adiga iyo ilmahaagaba.

Sababtee ayaanad u awoodin inaad qadato VBAC?

  • Cusbitaalkaagu ma bixiyo VBAC.

  • Waxaad ugu jirtaa khatar wayn makaankaagu inuu dilaaco sababtoo ah:

    • Dilaaca nabarka ku yaala makaankaagu waa gudban yahay. Noocan nabarka dilaaca ah caadi ahaan ma oggolaado VBAC badbaado ah.

    • Waxaad qaadatay wax ka badan labba qaliin ilma uurka laguguq alay.

    • Waxaad sidaa saddex mataano ah ama wax ka badan.

  • Waxaad leedahay dhibaato mandheerta ah ama xaalad kale oo caafimaad taas oo ka dhigi karta dhalmada siilka mid khatar ah.

  • Waxyaabaha qaarkood waxay dhacaan muddada uurkaaga ama foosha oo u baahan qaliinka uurka ilmaha lagu qalo. Tusaale ahaan:

    • Dhib ayaa kaaga korodhay cadaadiskaaga dhiiga.

    • Ilmahaagu madaxiisa hoos uma jeed ama waa daba keen (dabada hoos u jeedo) ama dhinacyada.

    • Fooshaada si wanaagsan uma horumarayso.

    • Jidhkaaga ayaa qaba dhibaatooyin.

    • Dilaaca nabarka ah ee ku yaala ilma galeenkaaga wuu dhiig baxayaa ama wuu itaal daraanayaa.

Hadda laga bilaabo: Bisha Todobaad 10, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2026 Healthwise, Incorporated.