A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Finan: Tilmaamaha Daryeelka.

Acne: Care Instructions

Tilmaamayaasha Daryeelkaaga.

Finanku waa dhibaato maqaarka ku dhacda oo kasoo saarta blackheads, whiteheads, iyo finan. Oo inta badan saamaysa wajiga, qoorta, iyo jirka qaybta kore. Finanku waxay yimaadaan marka saliid iyo maqaar dhintay uu xiro unugyada maqaarka dulduleelkiisa.

Finankani waxay bilaabmaan xiliga tobaneeyo jirka oo socota qaangaarka. Dhaqitaan khafiif ah oo maalin walba ah ayaa koontarooli kara inta badan finanka fudfud. Hdii daawaynta guriga ay shaqay waydo, lagayaabee dhakhtarkaagu inuu kuu qoro kareemyo, antibiyootig, ama daawo ka xoogwayn oo layiraahdo isotretinoin. Mararka qaarkood kiniiniyada uurka ka hortaga ayaa caawiya dumarka leh finanka bishiiba mar soo baxa.

Lasocoshada-Daryeelka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyntaada iyo badbaadadaada. Hubso in aad sameysato oo aad tagto balamaha dhakhtarka oo dhan, waxaadna wacdaa dhakhtarkaaga haddaad dhib qabto. Sidoo kale waa fikrad fiican inaad ogaato natiijayada baaritaannada lagugu sameeyay, iyo inaad kaydsato liiska daawooyinka aad qaadato.

Sideed shakhsi ahaan isugu daryeeli kartaa gurigaaga.

  • Si tartiib ah ugu dhaq wajigaaga maalinii 1 ama 2 mar biyo qandac ah (maya kuwo kulul) iyo saabuun fudud ama kiliinser. Mar walba si fiican u biyaraaci.

  • Isticmaal kareenka ama midka gelka ah farmashiga laga-soo-iibsado oo ay ku jiraa maadooyinka benzoyl peroxide. Ku biloow cadad yar sida 2.5% benzoyl peroxid oo kordhi cadada sidaad ugu baahan tahay. Benzoyl peroxide si fiican ayay ula shaqaysaa finanka, laakiin lagayaabee inaad u baahan tahay ilaa 2 bilood intaad ka arkayso waxtarkeeda.

  • Marso kareemka finanka midka looshinka ama gelka ah meel walba oo fin leh, blackheads, ama whiteheads, maha kaliya meesha aad hada ku leedahay. Raac tilmaamaha ku qoran si taxadar leh. Hadii uu maqaarkaagu aad u qalalo, qolof fuusho, ama gaduud iyo xanuun yeesho, dhin xooga cadada. Natiijada ugu wanaagsan, umarso daawada sida loogu talagalay. Iskuday inaadan katagi daawada.

  • Ha tuujin ama ha bujin finanka iyo blackheads. Tani waxay sababi kartaa infekshin iyo nabaro.

  • CIsticmaal makeup-ka saliida, kareemka qoraxda, iyo waxyaabaha kale ee jirka lamariyo kuwaas oo aan xirayn dulduleelka jirka.

  • Dhaq timahaaga maalin walba, iskuna day inaad ka ilaaliso wajiga iyo garbaha. Gadaal uxir ama jar oo gaabi.

Goormee ayaad caawimaad u wacan kartaa?

Fiiro dhow u yeelo isbadalka caafimaadkaaga, hubsana inaad dhakhtarkaaga la xiriirto hadii:

  • Waxaad isku dayday inaad guriga isku daawayso 6 ilaa 8 asbuuc finankaaguna kama soo roonaan ama kasii darin sidii hore. Lagayaabee dhakhtarkaagu inuu daawo kale kudaro ama kaa badalo.

  • Finankaagu ay noqdeen kuwo waawayn oo adag ama dheecaan kujiro.

  • Nabraha finanku reebaan markay buskoodaan.

  • Waxaad dareemaysaa murugo, rajo la'aan, daal, ama aad leedahay calaamadaha niyad jabka inta aad qaadanayso daawadan isotretinoin.

  • Waxaa kugu bilaabmay calaamado kale, sida timo wajiga dumarka kasoo baxa ama lafaha iyo murqaha oo xanuuna.

Hadda laga bilaabo: Bisha Kow iyo Tobnaad 16, 2023

Nooca Tusmadda: 14.0

Tilmaamaha daryeelka la qaatay hoosta ruqsada xirfad yaqaankaaga daryeelka caafimaadka Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaalada caafimaadka ama tilmaantan, waydii had iyo heer xirfad yaqaankaaga caafimaadka. Healthwise, Incorporated waxay diiday damaanad kasta ama masuuliyada isticmaalka macluumaadkan.

© 2006-2026 Healthwise, Incorporated.
Powered by Krames by WebMD Ignite
Disclaimer